Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Theo Walcott Iyo Santi Cazorla Oo Heshiiska U Kordhiyay Kooxda Arsenal, Muxuse Ka Yiri Wenger?

Rasmi: Theo Walcott Iyo Santi Cazorla Oo Heshiiska U Kordhiyay Kooxda Arsenal, Muxuse Ka Yiri Wenger?


Walcott-Cazorla

Garabka xulka England iyo kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa heshiis cusub oo afar sano ah qalinka ugu duugay kooxda ka dhisan waqooyiga London sidoo kalana Santi Cazorla ayaa isna heshiis cusub kooxda u saxiixay waana war farxad leh.

26-jirkaan reer England waxaa la hadal hayay inuu kooxda ka tagayo, balse mustaqbalkiisii Gunners ayuu u hibeeyay balse wuxuu ku mushaar noqon doonaa xidigaha ugu mushaarka badan kooxda sida Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Theo Walcott wuxuu kooxda ku sugnaan doonaa ilaa 2019, dhanka kale hamigii Atletico Madrid ay ka qabtay iney Spain dib ugu celiso Cazorla ayaa soo dhamaaday madama uu heshiiska u kordhiyay kooxdiisa.

“Waan ku faraxsanahay ine heshiiska kordhiyaan Santi iyo Theo. waa laba xidig oo tayo sare leh kuwaas oo muhiim u ah kooxdeena” Ayuu Wenger u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Si kastaba labadaan xidig ee muhiimka u ah Gunners kooxda baaqi ayey kusii ahaan doonaan, sidoo kalana Wenger ayaan si fiican uga soo dukaameysan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>