Home » Horyaalada » La Liga Spain » Rasmi: Valencia Oo Xaqiijisay Iney Si Joogto Ah Ula Saxiixatay Andre Gomes Oo Ay Amaah Kaga Heysteen Benfica

Rasmi: Valencia Oo Xaqiijisay Iney Si Joogto Ah Ula Saxiixatay Andre Gomes Oo Ay Amaah Kaga Heysteen Benfica


Andre Gomes

Kooxda Valencia ee dalka Spain ayaa heshiis rasmi ah la gaartay Andre Gomes oo ay amaah kaga heysteen kooxda Benfica ee dalka Portugal.

Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa kubad sameeyahaan si aad ah u doon doonayay balse xidigaan wuxuu heshiis shan sano ah u saxiixay Valencia isagoo si rasmi ah uga mid noqonaya kooxdaan ku ciyaarta Mastella Stadium.

Andre Gomes oo 21-jir ah ayaa amah sanad ah ku joogay Valencia wuxuuna kooxdaan kazoo muuqday 37-kulan wuxuuna dhaliyay 4-gool, taas ayaana keentay in xidigaan ay maamulka Valencia usoo bandhigaan heshiis shan sano ah.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan dhamestiro ka mid noqoshada qoyska Valencia” ayaa lagu qoray website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Si kastaba Andre Gomes oo si aad ah looga aaminay Valencia ayaa si aad ugu rajo weyn inuu kooxdisa sii caawiyo xagaaga soo aadan si la mid ah xagaagii dhamaaday.

Ugu dambeyntii Valencia ayaa haatan rajeyneysa iney Champions League-ga kasoo qeyb gasho madama ay ku dhameysatay kaalinta afaraad waxeyna mari doontaa isreeb-reeb.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>