31-jirka weerarka kaga cayaaro xulka Holland Robin Van Persie ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga.
Xidigan waaya araga ah maal mihii ugu dambeesay magaalada Istanbul ayuu ku sugnaa wuxuuna ku guuleestay tijaabadii caafimaad ee laga qaaday.
Kooxda reer Turkey waxay xidigan naadiga Man United kaga qaadatay €6 million madaama qandaraaskiisa ka harsanaa wax ka yar 12-bilood.
RVP ayaa ku qancay soo dhaweyn heerka sare ah ee uu ka helay kooxda Fenerbahce sidoo kalena xidigan waxay dib u midoobeen saaxiibkiis Dirk Kuyt oo ay sanado badan xulka Holland ka wada tirsan yihiin.
Van Persie kaliya kooxda ayuu badashay balse mushaarkiisa wax hoos u dhac kuma imaanin waayo weeraryahankan kooxda Fenerbahce waxay toodbaadkan walbo siin doontaa £240,000.
Waxaa intaas usii dheer in xidigan 31-jirka ah heshiis 3-sano ah lala gaaray taasi oo ka dhigan in kooxda Fenerbachce ay xidigan u sameesay wax walbo ee uu ka waayay kooxda uu kasoo hayaamay Man United.
Van Persie ayaa mudo sedex sano ah ka tirsanaa kooxda Man United wuxuuna u qaaday Man United horyaalkeedii 20-aad balse xili cayaareedkii dhawaa ayuu xidigan hoos u dhac weyn muujiyay madaama ay dhaawacyo hareeyeen.
Haatan wuxuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wadan doonaa horyaalka Turkiga asigoo noqday laacibka ugu mushaarka badan kooxda Fenerbahce.