Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Walcott Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Arsenal

Rasmi: Walcott Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Arsenal


Arsenal Training Session

Theo Walcott ayaa si rasmi ah xarunta tababarka Arsenal uga soo muuqday wuxuuna xidigan sameeyay tababar dhameestiran markii ugu horeesay ee uu kasoo kabtay dhaawacii halista ahaa.

Walcott wax kulan ah ma cayaarin tan bishii Janaayo ee sanadkan galab Arsenal 2-0 ku suul daartay kooxda Tottenham waxaana markaas soo gaaray dhaawac halis ah kaasi oo sababay in jilibka qaliin looga sameeyo.

Mudo dheer kadib Walcott oo isku kalsoon ayaa kubada dib u laaday wuxuuna 25-jirkan ku rajo weyn yahay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan garoomada dib ugu soo laabto.

Arsenal sabtiga nagu soo fool leh waxay la cayaari doontaa naadiga Hull City lamana hubo in Walcott uu kursiga keydka soo fariisan doono inkastoo uu tababar dhameestiran sameeyay labadii maalmood ee ugu dambeesay.

Sidoo kale xidiga dhalinta Serge Gnabry oo isagana Arsenal dhaawac kaga maqnaa tan iyo bishii Maarso ayaa isna tababarka soo xaadiray waxaana la filaa in xidiga reer Jarmal uu dhawaan kusoo laabto.

Soo kabashada Theo Walcot iyo Serge Gnabry ayaa farxad galisay macalin Arsene Wenger madaama kooxdiisa ay haatan xidigo badan dhaawac kaga maqan yihiin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>