Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi: Walter Mazzari Oo Laga Racadeeyay Kooxda Inter Hadaba Waa Kuma Macalinka Badali Rabo!

Rasmi: Walter Mazzari Oo Laga Racadeeyay Kooxda Inter Hadaba Waa Kuma Macalinka Badali Rabo!


Mazzarri-dejected490ai

Kooxda Inter Milan ayaa si rasmi ah shaqada uga racadeesay macalin Walter Mazzari kadib markii tababarahan uu ku fashilmay inuu kooxdan faca weyn wada guusha ku hogaamiyo xili cayaareedkan.

Inter Milan haatan kaalinta 9-aad ayay ku jirtaa Serie A-da waxaana tababarahan la siiyay marar badan fursad dheeraad ah balse midaas wuu ka faa’iideesan waayay sidaa darteed waxaa loo sheegay inuu boorsadiisa ka qaato garoonka San Serio.

Maamulka Inter ayaa u mahad celiyeen macalin Mazzari oo mudo 17-bilood ah kooxdan hogaaminaayay waxayna u rajeeyaan musatqbalka wanaagsan iyo shaqo deg deg ah inuu helo.

Hadaba jagada banaan ee kooxda Inter Milan waxaa la sheegay inuu la wareegi doono Roberto Mancini oo horey kooxdan u hogaamin jiray.

49-jirkan mudo 4-sano ah ayuu horey Inter u leyliyay wuxuna xiligaas u qaaday 3-horyaal iy labo Copa Italia intii u dhaxeesay 2004 ilaa 2008.

Wargeska Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in Inter ay macalin Mancini heshiis labo sano iyo bar ah la gaartay waxaana saxaafada si rasmi loogu soo bandhigi doonaa sacaadaha nagu soo fool leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>