Kooxda faransiiska ka dhisan ee Marsielle ayaa dhameystirtay saxiixa xidigii hore Arsenal Abou Diaby kaas oo xagaagan si xor uga tagay kooxda ka dhisan waqooyiga London.
Abou Diaby ayaa kusoo biiray Arsenal sanadii 2006, waxeyna ka dhigan tahay inuu soo afjaray mudo 9-sano ah oo uu ku sugnaa kooxdaan uu Wenger hogaamiyo, waxaana u diiday inuu kasoo hilaaco Emirates dhaawacyo badan oo is biirsaday.
29-jirkaan heerka caalami ee u dhashay faransiiska dalkiisa ayuu dib ugu laabtay waxaana uu si rasmi ah ugu biiray Marsielle iyadoo lasoo bandhigay.
Waayo cusub ayuu doonayaa inuu ka bilaabo horyaaalka League One-ka, waana arin u wanaagsan xidigaan madama uu tartan culus gali doono.
Si kastaba Abou Diaby ayaa mar kale kazoo muuqan doona shaashadaha yurub, waxaana la sugi doonaa sida uu waayahiisa u hagaajiyo.