Home » Horyaalada » France League I » Rasmi Zlatan Ibrahimovic Xiliga Uu PSG Ka Tagi Doono Iyo Naadiga Uu Ku Biiri Doono Oo Shaaca Laga Qaaday

Rasmi Zlatan Ibrahimovic Xiliga Uu PSG Ka Tagi Doono Iyo Naadiga Uu Ku Biiri Doono Oo Shaaca Laga Qaaday


Zlatan-Ibrahimovicv2

Waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic uu ogolaanasho rasmi ah ka helay maamulka PSG.

Waxaana xidigan loo fasaxay inuu ku biiri karo naadi uu doono laga bilaabo 1-bisha August wixii ka dambeeyo.

Zlatan ayaa kooxdiisa Paris macsalaameyn doono marka uu Super Cup-ka dalka France u cayaaro kulan ay 1-bisha August ku cayaari doonaan magaalada Montreal ee dalka Canada.

Weeraryahanka awooda badan sidoo kale wuxuu dib ugu laaban doonaa kooxda AC Milan asigoo haatan heshiis hordhac ah lasii gaaray.

Zlatan ayaa heshiis 3-sano ah la gaaray kooxda AC Milan sidoo kalena sanad walbo wuxuu ka qaadan doonaa garoonka San Serio €7.5m.

Xidigan ayaa ku faraxsan inuu dib ugu soo laabto magaalada Milan wuxuuna kooxdan isaga tagay sanadii 2012 balse haatan mamulka Milan ay arimo badan ku wada heshiiyeen.

Zlatan ayaa sidoo kale dalab ka heestay kooxda Inter Milan balse xidigan ayaa ka door biday inuu AC Milan ku biiro madaama ay usoo bandhigeen mushaar siweyn u raali galiyay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Rasmi Zlatan Ibrahimovic Xiliga Uu PSG Ka Tagi Doono Iyo Naadiga Uu Ku Biiri Doono Oo Shaaca Laga Qaaday

  1. liban Ibrahim mohamud Reply

    20-July-2015 at 12:00 pm

    waxan dhihi lahaa zalatanka wax ayuu kabadali karaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>