Home » Maxaa Cusub » Raúl González Oo Amaan Kala Dul Dhacay Cristiano Ronaldo Sidoo Kalena Soo Dhaweeyay Magacaabista Benitez

Raúl González Oo Amaan Kala Dul Dhacay Cristiano Ronaldo Sidoo Kalena Soo Dhaweeyay Magacaabista Benitez


Raul

Halyeegii hore ee kooxda Real Madrid Raúl González ee haatan ka tirsan naadiga New York ayaa ka hadlay xaalada ay kooxdiisii hore ku sugan tahay.

Raúl González ayaa amaan kala dul dhacay Cristiano Ronaldo oo haatan qarka u saaran inuu jebiyo iskoorka gool dhalinta Real Madrid ee uu sanado badan Raul hor ka caayay.

Raul wuxuu yiri “Cristiano waa laacib mucjiso ah waayo mudo 6-sano ah waxa uu sameeyay ma jiro cayaaryahan sameyn karo”

“Cristiano xili cayaareed walbo 50-gool ka badan ayuu dhaliyaa mana jirto xidig sameyn karo xitaa aniga xili cayaareed walbo 20-gool iyo ka badan ayaan dhalin jiray”

“Sidaa darteed rikoor walbo wuxuu u yaalaa in la jebiyo waana ku faraxsanahay inuu noqdo laacibka Madrid ugu goolasha badan mustaqbalka dhow”

Raúl González ayaa ka hadlay magacaabista Rafeal Benitez ee hogaanka Real Madrid la wareegay wuxuuna yiri “Kooxda waxay ku qabsaneed inay go’aan qaadato weyna qaadatay waa inaan u mahad celinaa Carlo Ancelotti shaqadii wacneed ee uu qabtay”

“Benitez waligiis ayuu ku riyoon jiray inuu Madrid macalin u noqdo waxaana ku kalsoonahay inuu kooxda isbadal ku sameyn karo sidoo kalena guulo u horseedi karo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>