Real Betis ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee xaqiijisay iney usoo dalacday heerka koowaad ee dalka Spain kadib guul qurux badan oo ay ka gaareen Alcorcón xalay, waxeyna u dabaal dageen iney mar kale kasoo muuqan doonaan Primera Division.
Rubén Castro ayaa bilaabay bandhiga goolasha kooxda Real Betis daqiiqadi 20-aad ee ciyaarta, waxaana goolka labaad dhaliyay Facundo Guichón daqiiqadii 51-aad.
Jorge Molina ayaana u sadaxeeyay Alcoron kaas oo Real Betis u xaqiijiyay iney dib ugu soo laabatay horyaalka Spain qeybtiisa hore.
Real Betis 84-dhibcood ayey leedahay, waxaana horyaalka ka dhiman oo qura 2-kulan iyadoo lix dhibcood ka sareysa kooxda Girona, hal sano kadib ayeyna kooxdaan dib ugu soo laabaneysaa horyaalka heerka koowaad ee dalka Spain.