Home » Maxaa Cusub » Real Madrid & Chelsea Oo Ay Dhagta U Taagan Tahay Xilli Sterling Loo Maleynayo Inuu Diido Heshiiska Cusub

Real Madrid & Chelsea Oo Ay Dhagta U Taagan Tahay Xilli Sterling Loo Maleynayo Inuu Diido Heshiiska Cusub


Sterling

Da’yarka Liverpool Raheem Sterling ayaa loo maleynayaa inuu iska diido heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa sida ay tilmaameyso warbixin si hoose loo helay.

20-jirkaan heshiiskiisa waxaa kaga haray 2-sanadood balse Reds ayaa dooneysa iney xidigaan heshiis cusub ka saxiixdo si ay baaqi ugu sii yeesho Anfield Road iyaroo Branden Rodgers uu ka dhawaajiyay dhawaan in xidigaan uu heshiiska qalinka ku duugi doono.

Si Kastaba talkSPORT ayaa cadeysay in Raheem Sterling uusan heshiis cusub qalinka ku duugi doonin.

Si kastaba kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa doonaya saxiixa wiilkaan dhagta ayeyna u taagayan arimaha la xiriira diidmada heshiiska cusub madama ay ku rajo weyn yahiin helitaankiisa.

Ugu dambeyntii Raheem Sterling ayaa dhaliyay 9-gool, dhamaan kulamadii uu xili ciyaareedkaan u saftay kooxdiisa Liverpool.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>