Real Madrid ayaa ku dhawaatay hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay Santiego Bernabeu ku xasuuqday kooxda heer hoosaadka ah ee Granada.
Madrid ayaa 9-gool ku garaacday Granada xili Ronaldo uu dhaliyay Shan Gool, wuxuuna qarka u fuulay inuu dhaliyo Double Hat-trick.
Madrid iyo Ronaldo ayaa hoos u dhacay sanadkaan 2015 marka loo fiiiryo sanadkii hore balse soo laabashada James Rodriguez ayaa wax badan ka badashay qaabka kooxda uu hogaamiyo Carlo Ancelotti.
Gareth Bale ayaa bilaabay bandhiga goolasha Madrid daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta isagoo si qurux badan u dhameestiray baas uu ka helay Toni Kroos, wuxuuna ka tagay goolhayaha.
Ronaldo ayaa dhaliyay goolka labaad ee Madrid daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta wuxuuna baas cajiib ah ka helay James Rodriguez.
CR7 ayaase mar kale shabaqa gaaray daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta markii uu kubad awood leh dhameestiray xili.
Durba kabtanka reer Portugal ayaa dhameestiray sadexley awood leh, isagoo si qurux badan goolhayaha ugu garaacay kubad uu kasoo tuuray meel ka yara baxsan xerada ganaaxa daqiiadii 38-aad ee ciyaarta.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 4-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Madrid oo aad mooday iney ka timid aduunyo kale kulankii maanta.
Isku soo noqodkii qeybta labaad, Benzema ayaa soo laba kacleeyay wuxuuna ku tuurtay goolka Shanaad daqiiqadii 52-aad.
Ronaldo ayaana goolkii lixaad ee Madrid iyo kii afaraad oo uu dhaliyay dhaliyay daqiiqadii 54-aad wuxuuna ku sigtay inuu dhaawacmo madama uu jilibka ku dhufsaday birta wuxuuna caawinaad ka helay Bale madax qurux badan ayuuna ku dhameestiray.
Waqti aan ka fogeen goolka CR7, Benzema ayaa mar kale shabaqa gaaray daqiiqadii 56aad ee ciyaarta, Granada ayaa heshay goolka calanka daqiiqadii 74-aad waxeyna ka heshay Robert Ibanez.
Si kastaba Granada oo is dhiibtay ayaa iska dhalisay goolka sideedaad (Diego Mainz) ayaana isku xariiqay iyadoo Cristiano Ronaldo uu dhamaadkii ciyaarta soo xiray natiijo sagaal ah.
Guushaan ay gaartay Madrid waxey hal dhibic u jirsiineysaa Barcelona oo caawa la ciyaareysa Celta Vigo, dhanka kale Ronaldo ayaa ka sara maray Messi gooldhalinta.
Ronaldo ayaa haatan leh 36-gool, halka Messi uu leeyahay 32-gool, waxaana Ronaldo oo waayadaan dambe iska jiifay uu haatan sareeyaa afar gool waxeyna ka dhigan tahay inuu hurdada ka kacay.
mahamud
5-April-2015 at 8:44 pm
runtii real hoos uma dhicin sanadkaan waxaa la arki donaa leage dhamaadkisa heerka ugu hooseyo ayay imaan doonta