Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Madrid Oo Ceyrineysa Carlo Ancelotti & Rafael Benitez Oo Ugu Cad-Cad Inuu Ka Badalo, Miyuuse Carlo Ku Laaban Doonaa Milan?

Real Madrid Oo Ceyrineysa Carlo Ancelotti & Rafael Benitez Oo Ugu Cad-Cad Inuu Ka Badalo, Miyuuse Carlo Ku Laaban Doonaa Milan?


Madrid

Kulanka sabtida ay Madrid la ciyaareyso Getafe ayaa la filayaa inuu noqdo kulanka ugu dambeeya uu tababare Carlo Ancelotti maamulo Real Madrid madama kooxda laga ceyrin doono marka uu dhamaado xagaagan, waxaana ugu cad-cad inuu badalo Rafael Benitez.

Mustaqbalka macalinkaan reer talyaani ayaa sii lumaya inkastoo imaanshahiisii Madrid uu kooxda u qaaday koobabka Copa del Rey, Champions League, European Super iyo Club World Cup hadana xagaagan koob la’aan ayuu soo istaajiyay mana u muuqato in loogu dulqaadan doono.

Fashilkii ay kala kulmeen Juve, semi finalka koobka horyaalada yurub, iney ka hareen Copa del Rey waqti hore iyo iney Barca kula loolami waayeen hanashada La Liga ayaa ka dhigeysa in Ancelotti uusan kusii waari doonin Bernabeu.

Dhanka kale Madrid wali ma xaqiijin in Ancelotti ay ceyrisay, balse turxaan bixinta la sameeyay ayaa u eg mid ka dhigeysa inuu macalinkaan raadsado meel uu ka shaqeeyo.

55-jirka u dhashay Spain ee Rafael Benitez ayaana si aad ah loola xiriirinayaa shaqada Madrid kaas oo horay laba jeer La Liga u qaaday Valencia ka hor inta uusan ku biirin Liverpool oo uusan Champions League u qaadin.

Sida la raeynayo Benitez heshiikiisii Napoli wuu dhamaaday wuuna kasoo tagi doonaa halka Ancelotti ay gacan meel hoose ah uga taageyso kooxdisii hore Milan oo dooneysa iney dib boorka isaga jafto xagaaga soo aadan.

Lama hubo hadii macalinkaan reer talyaani uu kooxdiisii hore Milan dib ugu laabanayo inkastoo warbixino kale ay sheegayaan inuu heshiis la gaaray Manchester City.

Ugu dambeyntiina Manuel Garcia Quilos oo ah wakiilka Benitez ayaa ka dhawajiyay ineysan jirin wadahadal ay la galeen Madrid balse ay ku faraxayaan hadii ay helaan nasiibka ay ku maamulaan Los Blancos.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>