Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Madrid Oo Dadaal Xoogan Ugu Jirto Soo Xero Galinta Ricardo Rodríguez Oo Wolfsburg Ka Tirsan

Real Madrid Oo Dadaal Xoogan Ugu Jirto Soo Xero Galinta Ricardo Rodríguez Oo Wolfsburg Ka Tirsan


Ricardo-Rodriguez-1418652

Wargeska Marca ayaa sheegay in kooxda Real Madrid ay xooga saari doonto soo xero galinta daafaca garabka bidix ee naadiga Wolfsburg Ricardo Rodríguez.

Madaama Fabio Coentrao dhaawaciisa batay waxay Real Madrid wada hadalo la furi doontaa dhigeeda Wolfsburg sidii looga iibin lahaa Ricardo Rodríguez oo lagu tilmaamo daafaca garabka bidix ee ugu wanaagsan Bundelsigaha Jarmalka.

Xidigan ka tirsan xulka Switzerland ayaa sameeyay hormar aad u sareeyo labadii sano ee ugu dambeesay sidoo kalena dhaawanahan waxaa lala xariirinaayay qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan sida PSG, Chelsea, Man United, Bayern Munich iyo kooxo kale.

22-jirkan kulamo badan ee uu xili cayaareedkii hore kooxdiisa Wolfsburg u saftay ayay daawadeen saraakiil ka socdeen kooxda Real Madrid.

Waxayna Madrid dooneysaa inta uu suuqa Yurub furan yahay inay lasoo saxiixato xidigan oo lagu qiimeeyo 25-milyan oo pound.

Sidoo kale Real Madrid daafacyada garabka bidix ee qorshaha ugu jiraan waxaa ka mid ah David Alaba (Bayern Munich), Baba Rahman (Augsburg), Alex Sandro (FC Poro) iyo xidigo kale oo aysan shabakada Marca magacyadooda daaha ka qaadin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>