Shabakada AS ayaa sheegtay in kooxda Real Madrid ay qorshaha ku darsatay sidii ay xagaagan ula soo saxiixan laheyd daafaca xulka Argentina iyo naadiga Valencia Nicolas Otamendi.
Sidoo kalena wargeska Marca oo aad ugu dhow kooxda Real Madrid ayaa warbixintan ayiday wuxuuna wargeskan sheegay in Madrid ay dhigeeda Valencia xariir la sameyso sidoo kalena ay kala hadashay qaabkii Nicolas Otamendi looga iibin lahaa.
Maamulka Real Madrid ayaa ka careesan gadoodka uu Sergio Ramos wado hadii ay xidigan mustaqbalkiisa xal u heli waayaan waxay diyaar u noqon doonaan inay dalabka Man United aqbalaan.
Ramos iyo wakiilkiisa waxay wadaan qorshe xoogan oo ay doonayaan inay garoonka Bernabue isaga hayaamaan waxayna adeegsan doonaan qorshe walbo oo ay maamulka Madrid ka careysiin karaan.
Nicolas Otamendi sidoo kale kooxda Man United ayaa saxiixiisa ku raad joogto balse daafacan tayada wanaagsan qiimo jaban laguma heli doono.
Waayo kooxda Valencia Nicolas Otamendi waxay madaxiisa dul dhigtay €50m waana qiimo lacageed oo aad u badan.
Real Madrid sidoo kale waxay qorshaha ku darsatay inay lasoo saxiixato daafaca Arsenal Laurent Koscielny waxayna midaan ka dhigan tahay in Madrid aysan xagaagan ku tashan doonin inuu Ramos lasii joogi doono.