Real Madrid ayaa usoo baxday finalka Koobka Kooxaha Adduunka ee FIFA Club World Cup ka dib markii ay guul 4-0 ah ka gaartay kooxda reer Mexico ee Cruz Azul ciyaar ka dhacday garoonka Grand Stade de Marrakech ee dalka Morocco ee dhaca qaaradda Africa.
Sergio Ramos ayaa gooldhalinta u daah furay Real Madrid isagoo kubad uu madaxa ku dhaliyey hogaanka ugu dhiibay daqiiqadii 15aad, Karim Benzema ayaana goolka labaad u dhaliyey Los Blancos daqiiqadii 36aad. Kooxda difaacaneysa Champions League ayaase rigoore waxaa ku helay kooxda tababare Luis Fernando Tena daqiiqadii 40aad ka dib markii uu Ramos diilinta 18aad ku legday Mariano Pavone, Iker Casillas ayaana rigooradaas ka badbaadiyey Gerardo Torrado.
Gareth Bale, ayaana goolka seddaxaad u dhaliyey Real Madrid shan daqiiqo ka dib bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta, Isco ayaana goolasha ciyaarta dhammeystiray daqiiqadii 72aad ka dib shaqo cajiib ah oo uu soo qabtay Cristiano Ronaldo.
Real Madrid ayaa finalka Koobka Kooxaha Adduunka kula kulmi doonta kooxdii kasoo baxda kulanka labaad ee semi-finalka ee Caawa dhexmari doona kooxda heysata Copa Libertadores ee San Lorenzo iyo kooxda reer New Zealand ee Auckland City iyadoo finalka tartankaani uu dhici doono Sabtida.
Waa guushii 21aad oo xiriir ah oo ay Los Blancos ka gaarto tartamada oo dhan.