Macaln Carlo Ancelotti shaqadiisa si wacan ayay u socotaa madaama kooxdiisa ay guuleesatay 17-kulan oo xariir ah haatana Madrid waxay u gudubtay wareega 16-aad ee Copa del Rey kadib markii ay kooxdan 5-0 cagta ku marisay naadiga Cornella lugta labaad ee Koobka Spain.
Real Madrid ayaa isku darka labada lug ee kulankan kusoo baxday 9-1 waxayna midaan muujinee in tabaare Ancelotti iyo xidigahiisa ay u tashteen inay koob walbo diirada saaaraan xili cayaareedkan.
Jamse Rodriquez ayaa kulankan geesiga garoonka loo aqoonsaday madaama uu labo gool dhaliyay daqiiqadaha kal ah 16-aad iyo 34-aad.
Sidoo kale Isco ayaa isagana gool muhiim ah dhaliyay daqiiqadii 31-aad, sidoo kalena naadiga Cornella goolka 4-aad mid ka mid ah xidigaheeda ayaa iska dhaliyay.
Bals goolka 5-aad ayay taageerayaasha Real Madrid siweyn ugu farxeen madaama uu dhaiyay Jese daqiiqadii 77-aad wuxuuna xidigan dhainta yar kasoo kabtay dhaawac uu garoomada kaga maqnaa mudo 9-bilood ah.
Madrid ayaa guusha ku qaadatay 5-0 wuxuuna tababare Ancelotti ku farxay dadaalka ay muujiyeen xidigahiisa inkastoo kulankan uu macalinkan qabiirka ah nasiyay Ronaldo, Benzema, Bale, Kroos iyo xidigo kale.
Balse Real Madrid waxay ku jirtaa xiligeedii ugu fiicnaa sidaa darteed laacibkii fursad la siiyo diyaar ayuu u yahay inuu doorkiisa qaato!