Wargeska AS ayaa shaaca ka qaaday xog la isku haleen karo taasi oo lagu sheegay in Real Madrid ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay goolhayaha kowaad ee kooxda Espanyol Kiko Casilla.
Real Madrid haatan waxay wada hadalo la wadaa kooxda Espnayol marba hadii ay goolhaye Kiko Casilla arimaha shaqsiga ah kala heshiisay.
Real Madrid iyo goolhaye Kiko Casilla waxay ku heshiiyeen qiimo ah 6-milyan oo euro ah inuu garoonka Bernabue ku imaado.
Inkastoo naadiga Espanyol ay xidigan sheegtay in qandaraaskiisa lagu jebin karo 20-milyan oo euro ah hadana Real Madrid waxay leedahay 50% xuquuqda xidigan midaas oo u sahli karto inuu qiimo jaban ku imaado caasimada Spain.
Dhanka kooxda Espanyol waxay iska diiday inay Real Madrid kala heshiisay qiimaha goolhaye Kiko Casilla waxayna kooxdan sheegtay in xidigan aysan xagaagan fasixi doonin.
Kiko Casilla oo 28-jir ah wuxuu kusoo bar baaray xarunta Real Madrid asigoo usoo cayaaray kooxda heerka sedexaad iyo labaad ee Madrid balse sanadii 2007 ayuu naadiga Espanyol ku biiray.
Inkastoo siweyn loo hadal haayo inuu goolhayahan Real Madrid dib ugu soo laaban doono hadana gudoomiyaha naadiga Espanyol Joan Collet ayaa si rasmi ah u beeniyay in goolhaye Casilla uu Real Madrid heshiis la gaaray.