Kooxda Real Madrid ayaa xoojinta doonta dadaalka ay ku dooneyso saxiixa goolhayaha kooxda Manchester United David De Gea, balse hadii ay weyso waxey sii calaameysay xidiga ay badalkiisa u dhaqaaqi laheed.
Madrid ayaa si ba’an loola xiriirinayaa 24-jirkaan reer Spain iyadoo miiska u saareysa United aduun lacageed oo gaaraya 50 Malyan Oo Pound si uu badal ugu noqdo Iker Casillas oo gabalkiisa sii dhacayo, sidoo kalana si xor ah ayey ku heli doontaa June 2016 hadii uusan heshiiska u kordhin kooxdiisa.
Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain, Madrid ayaa calaameysatay goolhayaha da’da ah ee kooxda Chelsea Peter Cech hadii ay weyso David De Gea kaas oo aan da’ ahaan ka yareyn Iker Casillas-ka ay dooneyso iney ka guurto.
Peter Cech ayaa raadinaya koox uu ku biiro madama uu waayay booskiisa koowaad waxaana kala baxay da’yarka reer Belgium Thibaut Courtios.
Ugu dambeyntii Madrid waxey dalab ula tagi doontaa Chelsea, hadii ay ku guuldareysato iney David De Gea iyo Man United ku qanciso lacagaha ay wadato.