Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Madrid Oo Noqotay Naadiga Ugu Qiimaha Badan Caalamka Sanadkii Sedexaad Oo Xariir Ah

Real Madrid Oo Noqotay Naadiga Ugu Qiimaha Badan Caalamka Sanadkii Sedexaad Oo Xariir Ah


Real Madrid

Warbixin cusub oo ay soo bandhigtay shirkada Forbes uu qiimeyn ku sameyso dhaqaalaha iyo saamiga kooxaha aduunka ayaa lagu sheegay in kooxda caalamka ugu qiimaha badan ay tahay Real Madrid.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Madrid qiimaha ay ku fadhiso uu haatan yahay $3.26 billion waana sanadkii sedexaad oo xariir ah oo ay hogaanka u heyso qiimeyntan.

Hadaba kooxaha Dallas Cowboys iyo New York Yankees ayaa kaalimaha labaad iyo sedexaad ku kala jiraan kooxaha aduunka ugu qiimaha badan waana labo naadi oo aan kubada cagta cayaarin.

Waxaana labadan naadi qiimo ahaan lagu qiimeeyay mid walbo $3.2 billion, halka naadiga Barcelona oo ay Madrid xafaaltamaan ay haatan kaaalinta 4-aa dku jirto waxaan lagu qiimeeyay $3.16 billion.

Sidoo kale Man United oo iyadana kaalinta 5-aad fadhiso waxaa lagu qiimeeyay $3.1 billion.

Hadaba 5-koox ee kale eek u jiraan liiska 10-ka naadi ee caalamka ugu qiimaha badan waa kuwa hoos ku xusan:

Los Angeles Lakers ($2.6 billion), New England Patriots ($2.6 billion), New York Knicks ($2.5 billion), Los Angeles Dodgers ($2.4 billion) iyo Washington Redskins ($2.4 billion).

Laakiin marka aan si gaar ah u qiimeyno kooxaha kubada cagta cayaaraan 7-naadi ee hoos ku xusan ayaa caalamka ugu qiimaha badan:

  1. Arsenal qiimaheeda $1.31 billion
  2. Chelsea qiimaheeda $1.37 billion
  3. Manchester City qiimaheeda $1.39 billion
  4. Bayern Munich qiimaheeda $2.35 billion
  5. Manchester United qiimaheeda $3.1 billion
  6. Barcelona qiimaheeda $3.16 billion

1. Real Madrid qiimaheeda $3.26 billion

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>