Wargeska La Sexta ee kasoo baxo dalka Spain ayaa sheegay in kooxda Real Madrid ay jebin doonto qandaraaska goolhaye David De Gea si ay xagaagan David De Gae ula soo saxiixato.
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay goolhaye Casillas siiso lacagaha uga harsan qandaraaskiisa kaasi oo labo sano ah si uu xidigan xagaagan garoonka Bernabue isaga hayaamo.
Maamulka Madrid ayaa isku raaceen in goolhaye David De Gae kooxda la keeno sidaa darteed tilaabada kowaad ee la qaadi doono ayaa ah in marka hore Casilass meesha laga saaro.
Casillas oo 33-jir ah ayaa kooxdiisa Real Madrid ka diiday inuu goolhaye labaad u noqdo De Gae sidoo kalena uu kooxda lasii joogo si uu qandaraaskiisa u dhameesto.
Sidaa darteed Real Madrid iyo Casillas xagaagan wanaag kuma kalai doonaan madaama uu laacibkan dalbaday in loo lacageeyo sanadaha qandaraaskiisa uga harsan.
Rea Madrid ayaa ku kalsoon inay David De Gae gacanta kusoo dhigi karto madaama xidigan uu doonayo inuu dib ugu laabto La Ligaha Spain.
Weliba wargeska La Sexta wuxuu sheegay in Real Madrid ay diyaar la tahay inay 50-milyan oo pound xagaagan kusoo iibsato goolhaye De Gae!