Sergio Aguero oo ku guuleestay gool dhalinta Premiership-ka England ayaa la sadaalinaa inuu xagaagan La Ligaha Spin dib ugu laaban doono madaama uu dalab aad u sareeyo ka helay kooxda Real Madrid.
Real Madrid oo xili cayaareedkan laga dareemay dhibaato dhanka weerarka ah ayaa awoodeeda dhaqaale u adeegsan doonto soo xero galinta Aguero.
Waxaana la sheegay in Madrid ay xidigan ku dooneyso £63m waana qiimahii ugu sareeyay ee kooxda Man City kasoo gaaro dhanka Madrid kaasi oo xidigan ku aadan.
Joornaalistaha reer Koonfur Ameerika Hernan Feler ayaa sheegay inuu helo warbixin la isku haleen karo taasi oo ah in Real Madrid ay xagaagan ku iibsan doonto Aguero €90m (£63m).
26-jirka reer Argentina wuxuu ku jiraa xiligiisii ugu wanaagsanaa aisgoo xili cayaareedkan gool dhalinta EPL ku qaaday 26-gool wuxuuna kusoo bilaawday 30-kulan xili cayaareedkan.
Aguero oo horey ugu cayaari jiray naadiga Atletico Madrid ayaa dhawaan sheegay inuu jecel yahay ku guuleeysiga Champion-ka waxayna riyadaas ugu rumoobi kartaa kooxda Real Madrid madaama kooxdiisa Man City ay ku dhiban tahay sanad walbo inay hormar ka sameyso koobka Yurub ugu qiimaha badan.