Boqorada Yurub Xiligaan Real Madrid ayaa sii qorsheyneysa kulamo saaxiibtinimo oo ay la ciyaarto kooxo ka dhisan horyaalada Premier League iyo Serie A-da marka la gaaro bisha July 2015, kulankaasna wuxuu ka dhici doonaa garoon Cricket-ka lagu ciyaaro oo ku yaala Mareykanka.
Inkastoo Real Madrid aysan magacaabin kooxaha EPL-ka iyo Serie A-da ka socda oo ay la ciyaareyso hadanha waxaa laga rajeynayaa iney xaqiijiso isbuucyada soo aadan balse haatan waxey kaliya xaqiijisay kooxda Melbourne ee dalka Australia.
Manchester City oo lala leeyahay kooxda Melbourne ayaa la rajeynayaa iney noqoto kooxda ay ka xushaan horyaalka Ingiriiska, walow saxaafada Italy ay saadaalisay in Inter Milan ay noqon karto kooxda ka socota Serie A-da kaliya sadex kooxood oo qura ayeyna dooneysaa iney Real Madrid kulamo kula ciyaarto garoonkaas.
Ugu dambeyntii garoonka ay Real Madrid qorsheyneyso iney kula ciyaarto waxaa qaadkiisa lagu sheegay 100,000.