Wargeska ugu caansan dalka Portugal A Bola ayaa markale xaqiijiyay in kooxda Real Madrid ay heshi la gaartay daafaca garabka midig ee xulka Brazil iyo naadiga FC Porto Danilo.
Warbixintan ayaa lagu heegay in Los Blancos ay laacibkan ku qaadan doonto €30m weliba €20m si toos ah ayay xagaagan FC Porto siin doontaa halka €10m ay gadaal ka bixin doonto.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Danilo uu Real Madrid la gaaray heshiis 5-sano ah sidoo kalena mushaar sare ayuu qaadan doonaa madaama laacibkan uu dalabka Real Madrid aqbalay asigoo dalabyo kala duwan ka heestay kooxaha Barcelona iyo Man United.
Danilo dhaawac halis ah ayaa soo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa FC Porto 4-0 kaga badisay naadiga Basel, inkastoo xidigan garoonka Ambalas looga qaaday hadana waxaa la sheegay in haatan uu wanaagsan yahay sidoo kalena dhaawaciisa halis ahayn.
Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in Barcelona ay marki hore qarka u saarneed inay xidigan heshiis la gaarto balse Barcelona ayaa ka gaabisay arinkan sidoo kalena agaasimihii wada hadalka la waday r Andoni Zubizarreta shaqada ayaa laga racadeeyay waana sababta keentay in Real Madrid ay saxiixa Danilo ku guuleesato.