Sida lagu soo waramayo kooxda Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa goolhayaha da’da yar ee kooxda Chelsea Thibaut Courtios hadii ay waayaan saxiixa David De Gea.
Kooxda ka dhisan Madrid ayaa dooneysa iney badal buuxa u hesho goolhayaha sii dhamaanaya ee Iker Casillas kaas oo qaladaad badan sameyay 18-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Goolhayaha Man United David De Gea ayaa si ba’an loola xiriirinayay Real Madrid, inkastoo wararka haatan ka imaanaya Manchester ay sheegayaan in xidigaan uu baaqi ku ahaan doono Old Trafford.
Real Madrid ayaa u dhaqaaqeysa saxiixa Thibaut Courtios hadii ay weyso De Gea madama uu safka hore ka noqday kooxda Chelsea kadib sadex sano amaah oo uu kusoo qaatay Atletico Madrid.
Si Kastaba Real Madrid waxey raadineysaa qorshe ay dib ugu soo celin doonto Courtios magaalada Madrid.
Dhanka kale Daily Star ayaa qirtay in Real Madrid ay wadato qorshe fiican madama ay heshiiska xidigaan qeyb uga dhigi doonto Varane oo ay Chelsea si ba’an u dooneyso.
Ugu dambeyntii Courtios ayaa kusoo biiray Chelsea sanadii 2011, isagoo ka yimid kooxda dalkiisa hooyo ee GENK.