Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Madrid Oo Xasuuqday Esponyol Xilli Cristiano Ronaldo Uu Sedexley Dhaliyey

Real Madrid Oo Xasuuqday Esponyol Xilli Cristiano Ronaldo Uu Sedexley Dhaliyey


28CA5AD400000578-3085390-image-a-50_1431888658515

Kooxda Real Madrid ayaa xasuuqday kooxda Esponyol kadib markii ay ku garaacday 4-1 iyadoo xidigga adduunka ugu wanaagsan CR7 oo dhaliyey Seddexley.

Kooxda Real Madrid ayaa rajo wanaagsan ka laheyd  in aanan horyaalka lagu kala bixin ilaa laga gaaro kulanka ugu dambeeyo laakiin midaas waxaa diiday Lionel Messi oo kooxdiisa Barcelona ku hoggaamiyey inay horyaalka u dabaaldagto kadib guul 0-1 oo ay kooxdiisa ka gaartay  Atletico Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa kooxda Hoggaanka u dhiibay daqiiqadii 59-aad ee qeybtii dambe ee cayaarta laakiin nasiib xumo waxaa cayaarta barbaro ka dhigay Cristian Stuani daqiiqadii 73.

1400102_heroa

Real Madrid ayaa sameysay fursado wanaagsan waxaana mar labaad hoggaanka u dhiibay xidigooda Marcelo oo dhaliyey gool soo celiyey muraalkii taageerayaasha Real Madrid.

Mar Kale waxaa shabaqa soo taabtay C. Ronaldo oo cayaarta ka dhig 1-3 wuxuuna ahaa goolkiisii labaad ee kulankaan.

daqiiqadihii ugu dambeeyey CR7 ayaa cayaarta ka dhigay 1-4 isagoo helay goolkiisii sedexaad kulankii caawa, sidaas darteed Real Madrid ayaa kulankaan gaartay guul 1-4 ah.

Ronaldo celebrates with Gareth Bale as Real Madrid beat Espanyol in Barcelona 

Inkastoo Real Madrid ay badisay haddana guushaan kama aysan celin Barcelona inay u dabaaldagto horyaalka ka gadaal markii ay garaacday Kooxda Atletico Madrid waxaana guusha siiyey xidigooda Lionel Messi oo dhaliyey halka gool oo ay Barcelona ku badisay.

Ronaldo and defender Marcelo  celebrate after scoring surrounded by teammates during the win over Espanyol

Ronaldo celebrates by cupping his ear during Real's 4-1 win over Espanyol

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>