Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Sociedad Oo Iska Ceyrisay Tababare Jagoba Arrasate

Real Sociedad Oo Iska Ceyrisay Tababare Jagoba Arrasate


Jagoba Arrasate

Kooxda Real Sociedad ee dalka Spain ayaa shaqadii tababaranimo ee kooxda ka ceyrisay Jagoba Arrasate kadib markii uu kooxda u hogaamiyay iney si xun ku bilowdo La Liga.

Kooxda Basque lagu neynaaso ayaa haatan jiifta booska 3-aad ee ugu hooseeya horyaalka, waxeyna kaliya guul gaartay hal kulan, 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay horyaalka.

Arrasate ayaa kooxda xilkeeda qabtay 2013, wuxuuna u hogaamiyay iney ku dhameysato xili ciyaareedkii hore kaalinta 7-aad taas oo lagu amaanay, balse wuu ku fashilmay inuu ku celiyo waqtigaas guulaha ah waxaana kooxda ay lumisay kaliya sadex xidig oo muhiim ah: Griezmann, Claudio Bravo iyo Haris Seferovic.

Sidoo kale Real Sociedad waxey ku fashilantay iney usoo baxdo koobka Europa League, kooxda ayaana si dhaqso ah u go’aansatay iney shaqada ka ceyriso macalinkaan.

Musharaxiinta lagu wado iney badalaan macalinkaan waxaa ka mid ah: David Moyes oo horaantii sanadkaan laga raacdeeyay shaqada United, macalinkii hore Betis iyo West Brom Pepe Mel iyo macalinkii hore Mainz Thomas Tuchel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>