30-jirka khadka dhexe kooxda AC Mlilan kaga cayaaro Riccardo Montolivo ayaa culeeska ka qaaday kooxdiisa madaama uu ka dhawaajiyay inaysan u tartami karin loolanka Serie A-da Talyaaniga xili cayaareedka cusub.
Kooxda AC Milan xili cayaareedkii dhawaa kaalinta 10-aad ayay Serie A-da ka gashay sidoo kalena macalin Pippo Inzaghi shaqada ayaa laga racadeeyay.
Inkastoo hogaanka Milan uu haatan la wareegay macalin Sinisa Mihalovic sidoo kalena saxiixyo muhiim a ay kooxdan sameesay hadana Riccardo Montolivo ma doonayo in kooxdiisa lagu tilmaamo naadi ku guuleesan karto horyaalka.
Wuxuuna yiri “Inaan ka fikirno Milan oo horyaalka u tartami karto xili cayaareedka cusub waa mid aad u adag”
“Waxaan u baahanahay inaan hadalka yareyno sidoo kalena shaqo badan aan ka qabano waxaa muhiim ah inaan ku mashquulno sidii aan natiijo wanaagsan u gaari laheyn”
Madaama ay AC Milan lacago qaali ah kusoo iibsatay xidigaha kala ah Alessandro Bertolacci, Carlos Bacca iyo Luiz Adriano waxay kooxdan ku rajo weyn tahay inay ka mid noqon karto sedexda naadi ee ugu sareyso Serie A-da xili cayaareedka cusub.
Ugu dambeyntii Montolivo ayaa amaan kala dul dhacay macalinka cusub ee Milan Sinisa Mihajlovi wuxuuna yir “Sinisa waa macalin wanaagsan kuna dadaalo inuu hagaajiyo xariirka uu la leeyahay cayaartooyda waxaana ku kalsoonahay inuu Milan guulo gaarsiin karo”