Halyeega xulka England iyo kooxda Man United Rio Ferdinand ayaa si rasmi ah kubada cagta u macsalaameeyay kadib mudo 18-sano ah ee uu garoomada kasoo muuqanayay.
Xili cayaareedkan Rio Ferdinand wuxuu ka tirsanaa kooxda QPR balse dhawaan ayay kooxdan xidigan iska fasaxday madaama ay heerka labaad u laabatay.
Rio oo ku dhawaaqayo inuu garoomada faarujiyay wuxuu yiri “Kadib 18-sano oo aan ahaa xirfadle kubada cagta ka tirsan waxaan go’aansaday inaan cayaaraha isaga fariisto”
“Xiligan ayaan u arkay inuu ku haboon yahay ka baqoolista garoomada madaama aan mudo dheer kusoo dhex jiray”
“Maanta kubada aan jeclaa waligay inaan cayaaro ayaan joojiyay waana ka xumahay inaan garoomada baaqi kusii ahaan karin”
36-jirkan wuxuu horey ugu soo cayaaray kooxaha West Ham United iyo Leeds United balse waqtigiisii ugu fiicnaa kooxda Man United ayuu la qaatay.
Sanadii 2002 wuxuu noqday daafaca aduunka ugu qaalisan waxaana xiligaas £29.1million kooxda Leeds kaga soo iibsatay naadiga Man United.
Rio Ferdinand 9-sano ee uu garoonka Old Trafford ku sugnaa wuxuu Man United kula guuleestay 6-jeer Premiership-ka England, 1-FA Cup, 3-League Cup, 1-UEFA Champions League iyo koobab kale.
Shaqsi ahaantiisa Rio Ferdinand 6-xili cayaareed oo kala duwan ayuu ka mid noqday kooxda ugu wanaagsan Premiership-ka England (PFA Premier League team of the year)
Sidoo kale Rio Ferdinand wuxuu xulka England u cayaaray 81-kulan oo caalami ah asigoo kala qayb qaatay tartamo badan oo kala duwan.