Labada xidig ee dhalinta yar kana tirsan xulka England Raheem Sterling iyo Harry Kane waxaa lagu baadi goobayaa lacago fara badan sidoo kalena waa xidigaha ugu hadal heynta badan suuqa Yurub.
Balse halyee Rio Ferdinand ayaa labadan xidig ku tilmaamay kuwo buun buuniska laga badiyay sidoo kalena aysan u qalmin lacagaha lagu baadi goobayo.
Sidoo kale Rio Ferdinand ayaa guud ahaan dhaliilsan sicirka bararka lagu ridaayo cayaartooyda British-ka ah wuxuuna sheegay inaysan u qalmin lacagaha waalida ah ee lagu baadi goobo.
36-jirkan oo arinkan saluugsan wuxuu yiri “Xidigaha Ingriiska u dhasheen qiimo aysan joogin ayaa la dul dhiga marwalbo”
“Haatana waa arin kaftan in Harry Kane lagu rabo £40m sidoo kalena Sterling isagana la dul dhigay £50m!!”
“Waxaa kaloo kasii yaab badan in Aguero lagu soo iibsaday £38m halka Sanchez isagana England lagu keenay £32m!!”
“Tani waxay ka dhigan tahay in cayaartooyda british-ka ah ay saxaafada qiimahooda sicir barar ku rido balse kuwa aan British-ka ahayn la buun buunin”
Hadalka kasoo yeeray Rio Ferdinand waa hubaa wuxuu dhibi doonaa kooxda Liverpool oo haatan kubad adag la cayaareyso kooxda Man City kagana fadhiso inay £50m kaga hesho iibka Sterling.