Home » Europe » Champions League » ROAD TO THE FINAL: Sidey Labada Kooxood Ee Juventus Iyo Barcelona Kusoo Tiigsadeen Finalka Caawa Ee Champions League-ga

ROAD TO THE FINAL: Sidey Labada Kooxood Ee Juventus Iyo Barcelona Kusoo Tiigsadeen Finalka Caawa Ee Champions League-ga


barcelona vs juventus-660x330

Dhamaan koobkaan waxaa usoo taramay 77-kooxood oo kooxo dhowr ah ay ku hareen isreeb-reeb hore oo ka hor wareega groupyada ah kuwaas oo ka kala socday 53 dal oo yurub ah.

32 kooxood ayaa nasiib u yeeshay iney xili ciyaareedka 2014/15 kasoo qeyb galaan waxaana haatan kasoo haray labada kooxood ee caawa midkood ay hanan doonto koobka.

Juventus waxey ku bilowday guul kulankii ugu horeeyay groupyada iyadoo 2-0 ku garaacday Malmo, balse laba guuldaro oo is xigay ayaa qabsaday markii ay la ciyaartay Atletico Madrid iyo Olympiakos, balse sadexdii kulan ee ugu dambeeyay ayey heshay 7-dhibcood taasoo ka dhigan iney kaalinta labaad 10-dhibcood ugu soo baxday.

Barcelona waxey kusoo baxday 15-dhibcood iyadoo hogaanka ugu heysa groupka F, waxeyna kaliya la kulmeen hal guuldaro oo kasoo gaartay Paris Saint Germain kulan kusoo dhamaaday 3-2 oo ka dhacay garoonka Parc des Princess ee magaalada Paris.

Wareega 16-ka ayey labada kooxood soo wada tiigsadeen Juve ayaa soo reebtay Borrusia Dortmund, As Monaco iyo Real Madrid si ay Berlin u timaado halka Barcelona ay soo reebtay iyana Manchester City, Paris Saint Germain iyo Bayern Munich.

HOOS KALA SOCO NATIIJOOYINKII KULAMADAAS

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>