Weeraryahanka kooxda Bayern Munich iyo xulka Hollan Arjen Robben ayaa qirtay in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay yihiin labada xidig ee aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena ay wax walbo kaga sareeyaan dhama xirfadlayaasha kubada cagta.
“Xaqiiqada ayaa ah in Messi iyo Ronaldo ay ka sareeyaan dhamaan xirfadlayaasha kubada cagta sidoo kalena guulo aan la gaarin karin ayay xili gaaban ku gaareen”
30-jirkan oo la hadlaayay majalada France Football ayaa sidoo kale ka hadlay ka mid ahaanshaha musharaxiinta abaal marinta FIFA Ballon d’Or wuxuuna “Waa arin weyn in waxqabadkegyga sanadkan la aqoonsaday sidoo kalena sharaf weyn ayay ii tahay inaan ka mid ahay musharaxiinta d’Or”
Robben ayaa waxa sidoo kale abaal marintan ula sharaxan 5-ka mid ah xidigaha ay Bayern Munich ka wada tirsan yihiin kuwaas oo sanadkan koobka aduunka xulka Jarmalka la qaadeen.
“Dhamaan xidigaha xulka Jarmalka waa laacibiin aad u wanaagsan waxayna qabteen sanadkan shaqo mudan in lagu abaal mariyo weyna u qalmaan inay ku guuleestaan abaal marinta Ballon d’Or”