Home » Maxaa Cusub » Robbie Fowler: Man United Kama Mid Noqon Doonto 4-naadi Ee Ugu Sareyso Premier League Xili Ciyaareedkan

Robbie Fowler: Man United Kama Mid Noqon Doonto 4-naadi Ee Ugu Sareyso Premier League Xili Ciyaareedkan

MAnUtdvEvertonDec2013_large

Halyeegii hore ee xulka England iyo kooxda Liverpool Robbie Fowler ayaa aaminsan in waqtigii kooxda Man United laga soo gudbay sidoo kalena xili cayaareedkan aysan horyaalka England qaadi doonin sidoo kalena aysan fursad u heli doonin inay ka mid noqoto 4-naadi ee ugu sareyso Premiership-ka kuwaas oo koobka horyaalada Yurub ka qayb qaadan doonaan wuxuuna Fowler yiri “uma melynaayo in Man United ay horyaalka ku guuleesan doonto sidoo kale shaki weyn ayaan ka qabaa in xitaa ay ka mid noqon doonto 4-naadi ee ugu sareyo Premiership-ka sababtoo ah United sanadkan qaladaad badan ayay gashay sidoo kalena uma eko naadi u diyaarsan inay ka mid noqoto kooxaha ugu sareeyo Premiership-ka runtii United wax badan ayaa ka qaldan”

Robbie Fowler oo la hadlaayay BBC-da qaybteeda cayaaraha ayaa ku nuux nuuxsaday in United laga dareemay maqnaan shaha Sir Alex Ferguson wuxuuna yiri “United waa koox weyn oo awood badan balse waxaa meesha ka baxat Sir Alex oo ahaa qofkii kooxdan isku haayay sidaa darteed David Moyes wuxuu u baahan waqti dheer oo uu ku dhiso naadi awood badan balse nasiib daro horyaalka kuma sugaayo sidaa darteed cabsi weyn ayaan ka qabaa inay ka mid noqon karto 4-koox ee horyaalka ugu sareeyo”


Waxaa Aqrisay: (226)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>