Halyeega xulka Brazil iyo kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa difaacay Grathe Bale oo ay qaati kala taagan yihiin taageerayaasha Real Madrid.
Carlos ayaa ku tilmaamay Bale xidig aad u wanaagsan loona baahan yahay in laga daayo cadaadiska joogtada ah ee lagu haayo.
“Bale waa xidig wanaagsan sidoo kalena orodkiisa dheer yahay waana laacib mararka qaar cayaarta wax ka badali karo”
“Cilada uu leeyahay ayaa ah inuusan raacis badan sameynin midaasna ma ahan in lagu dhaliilo”
“Waxaan la cayaari jiray Rivaldo oo isagana ahaa laacib mucjiso ah balse isagana raacistiisa ma fiicneyn laakiin xulka Brazil guulo badan ayuu u horseeday iyo kooxda Barcelona”
“Sidaa darteed waxaa wanaagsan in Bale qaab cayaareedkiisa lagu amaano markaas ayuu wax qaban karaa hadii kale kubada ayaa kasii dhumi doonto”