Home » Maxaa Cusub » Roberto Firmino Oo Brazil Guul Gaarsiiyay Xili Wiilasha Jurgen Klinsmann Ee USA Ay Dubteen Jarmalka

Roberto Firmino Oo Brazil Guul Gaarsiiyay Xili Wiilasha Jurgen Klinsmann Ee USA Ay Dubteen Jarmalka


29862B5900000578-3119283-image-a-6_1433990308296

 

Xulka Brazil waxey ku socdaan xawaare sare tan iyo madax xanuunkii koobkii Aduunka oo ay naftooda martigaliyeen bartamahii sanadkii hore, walina guuldaro lama aysan kulmin tan iyo markii farta laga saaray hogaanka xulkaan Carlos Dunga oo ah kabtankii 1994-tii u qaaday.

Xalay waxey guul ka heleen xulka Honduras inkastoo hogamiyahooda Neymar JR uu kursiga kusoo bilowday hadana da’yarka kooxda Hoffenheim Roberto Firmino ayaa hogaanka u dhiibay qeybtii hore ciyaarta waana goolka kaliya oo ay uga awood badiyeen Honduras.

Neymar JR ayaa qeybtii dambe yimid isagoo xariiftan badan ku qajilay ciyaartoyda Honduras balse Brazl uma suuragalin iney shabaqa gool kale la helaan.

29844E4B00000578-3118921-image-a-35_1433966361911

Dhanka kale wiilasha wacdaraha dhigaya ee Mareykanka oo uu hogaaminayo Jurgen Klinsmann waxeyna garaaceen Jarmalka oo ah xulka heysta horyaalnimada caalamka.

Todobaadkii hore waxey Mareykanka garaaceen Holland oo ay ku dubteen Amsterdam kulan ku dhamaaday 3-4, waxeyna haatan 2-1 ku garaaceen Jarmalka.

Mario Goetze ayaa goolka la hormaray kulan xiiso badan oo ka dhacay Cologne, waxaana laba gool ugu badalay Bobby Wood iyo Mix Diskerund.

Jurgen Klinsmann ayaana garaacay xulkiisii hore iyo caawiyihiisii hore Joachim Low, mareykankana waxey haatan wadan dardar culus.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>