Macalin Dunga iyo xidigahiisa Brazil ayaa iska wadaan guulaha xariirka ah waxayna haatan dhagta dhiiga u dareen xulka Chile kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Emirates ee magaalada London.
Wiilka dhalinta yar ee lambarka 10-aad kaga cayaaro naadiga Hoffenheim Roberto Firmino ayaa Brazil guusha siiyay madaama kulankan uu kusoo idlaaday.
Roberto Firmino ayaa badalay qaybtii labaad Luiz Adriano wuxuuna Brazil goolka u dhaliyay daqiiqadii 71-aad weliba kulankan wuxuu ahaa mid aad u dhib badan madaama labada xul ay kubad adag cayaareen.
Kulankan waxaa bandhig wanaag ka mujiyeen labada xidig ee dartooda loo daawanayay Neymar iyo Alexis Sanchez balse Neymar ayaa dhaawac halis ah ka bad baaday qaybtii hore kadib markii xidiga reer Chile Garry Medel uu lugta kaga istaagay qaybtii hore.
Brazil guusha ay gaartay ayaa ka dhigan in xulkan aan haatan loo dhawaan karin kadib muusabadii koobkii aduunka Dunga ayaa dhisay xul awood badan.
Brazil waxay haatan garaaceen Chile oo ah xulka martigalin doono koobka Koonfur Ameerika ee sanadkan bartamahiisa lagu wada balansan yahay.
Brazil waxay safarkeeda cayaareed kusoo qatintay labo guul oo xariir ah madaama ay garaaceen France iyo Chile.
Balse xulka Chile safarkoodii cayaareed labo guuldaro ayay kusoo gaba gabeeyeen madaama ay guu darooyin kala kulmeen xulalka Iran iyo Brazil.