Macalinka dhawaan hogaanka Inter Milan la wareegay Roberto Mancini ayaa ka si geesino ku dheehan uga hadlay hadafka kooxdiisa u dagsaday inta ka harsan xili cayaareedkan.
Macalin Mancini oo ka warqabo wajiga aan wanaagsaneyn oo ay Inter ku bilaawday xili cayaareedkan ayaa sheegay in isaga iyo cayaartooydiisa ay isku raaceen xaqiijinta yoolka u dagsan.
“Dabcan xaalad adag ayay Inter ku sugan tahay balse midaas nagama hor istaagi doonto xaqiijinta hadafka aan dagsanay kaasi oo ah inaan ka mid noqono sedexda naadi ee ugu sareeyo horyaalka “
“Ma sahlano inaan xaqiijino usoo bixida koobka horyalada balse dadaal dheer ayaan muujin doonaa waxaana qabaa rajo wanaagsan oo ah inaan horyaalka kaalin wanaagsan ka galno madaama xili cayaareedka weli wax badan ka harsan yahay”
50-jirkan ayaa sheegay in horyaalka uu ka dhaxeeyo kooxaha Roma iyo Juventus wuxuuna yiri “Ma aqnaan naadiga ku guuleesan doonto balse waa hubaal inuu horyaalka ka dhaxeeyo Juventu iyo Roma marka waa inaan anagana noqonaa kooxda 3-aad ee labadan naadi soo raaci karto”