Home » Maxaa Cusub » Roberto Pires: “Arsenal Wey U Qalantaa Iney Ku Guuleysato Horyaalka EPL-ka Xili Ciyaareedkaan”

Roberto Pires: “Arsenal Wey U Qalantaa Iney Ku Guuleysato Horyaalka EPL-ka Xili Ciyaareedkaan”


Pires

Halyeeygii hore kooxda Gunners iyo xulka Faransiiska Roberto Pires ayaa aaminsan in Arsenal ay u qalanto xili ciyaareedkaan ku guuleysiga horyaalka EPL-ka.

Blues ayaa ku raaxeysaneysa hogaanka Horyaalka, walow Arsenal ay xili weysay boosaska looga soo baxo UCL, inkastoo haatan ay fadhiso booska sadexaad hadana qab ciyaareedkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid aad u qurux badan.

Pires wuxuu qabaa in bandhiga Arsenal ee xili ciyaareedkaan ay tahayba mid soo dhameyn karta ku guuleysi la’aanta EPL-ka oo ay ugu dambeysay 2003-2004.

Si Kastaba Pires ayaa dareensan iney jiraan fursad ay iska lumiyaan kooxda marka uu horyaalka ku dhawaado dhamaadka.

“Fikirkeyga sanadkaan Arsenal wey u qalantaa iney ku guuleysato horyaalka, sidaasna ugama foga” Ayuu Pires u sheegay Perform. “Balse, waxaan filayaa iney jiri doonto shalaayto yar oo jiri doonta dhamaadka horyaalka”

Si kastaba Roberto Pires ayaa ka mid ah xidigahii Arsenal ee ku guuleysatay koobkii ugu dambeeyay kooxda ee EPL ah 11-sano ka hor.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>