Weeraryahanka kooxda Manchester United Robin Van Persie ayaa shaaca ka qaaday in Sir Alex Ferguson uu u sheegay inuu Old Trafford sii joogi doono sadex sano, hal sano ka hor inta uusan ku dhawaaqin howlgabnimadiisa.
Van Persie ayaa kooxda United ka caawiyay iney ku guuleysato koobkeedii 10-aad, iyadoo Ferguson ay u noqotay midkii 13-aad oo uu United u hogaamiyo, kadib markii uu xidigaan kala soo saxiixday Arsenal sanadii 2012, wuxuuna xili ciyaareedkaas dhaliyay 26-gool, 38-kulan oo uu saftay.
Daafacii hore United Rio Ferdinand ayaa daboolka ka qaaday in hoos u dhaca Robin Van Persie soo wajahay kadib Ferguson uu yahay inuu xidigaan si xun uga naxay hwolgabnimada Ferguson.
“Rio waa shaqsi weyn, wax badan ayuu ila hadlay, waxbaa ka jira hadalkiisa” ayuu Van Persie yiri.
“Go’aankeyga aan ku imid Manchester United wuxuu ku qotomay Ferguson, iga raali noqo, Sir Alex, wuxuuna ii sheegay inuu sii joogi halkaan sadex sano oo kale, waana ku farxay go’aankaas”
Dhanka kale Robin Van Persie ayaa aqbalay inuu qaab ciyaareedkiisa xun yahay xili ciyaareedkaan wuxuuna intaas ku daray inuu soo kaban doono kulamada soo aadan.