Weeraryahanka reer Holland ee kooxda Man United Robin Van Persie ayaa macalinkiisa u sheegay inuu doonayo sii joogitaanka garoonka Old Trafford xili lala xiriirinayo inuu xidigaan isaga tagayo kooxda madama uu hoos u dhac ku yimid.
Van Persie ayaa dhaawac la kulmay xagaagan taasoo keentay inuu howl gab noqday, wuxuuna kaliya shabaqa soo taabtay 10-jeer.
Heshiiska uu xidigaan kula jiro Man United waxaa kaga haray 12-bilood oo qura, waxaana soo baxaya warar sheegaya in xidigaan uu dalka Turkiga u dhaqaaqi doono.
Si kastaba Daily Mail ayaa qirtay in 31-jirka uu ku faraxsan yahay sii joogitaanka kooxda inkastoo uusan hubin inuu boos joogto ah heli doono.
Van Persie ayaa daqiiqado yar kasoo muuqday kulankii ay Man United guuldarada xanuunka ah kala kulantay Everton balse wuxuu rajeynayaa inuu kusoo bilowdo kulanka West Brom ee sabtida.
Ugu dambeyntii Van Persie ayaa kusoo biiray Man United sanadii 2012, isagoo markaas kaga yimid kooxda Arsenal ee waqooyiga London ka dhisan.