Home » Maxaa Cusub » Rodgers Oo Naxdin Ku Abuuray Arsenal: “Sturridge Iyo Lallana Taam Ayey U Yahiin Kulanka Emirates”

Rodgers Oo Naxdin Ku Abuuray Arsenal: “Sturridge Iyo Lallana Taam Ayey U Yahiin Kulanka Emirates”


Liverpool

Macalinka kooxda Liverpool Branden Rodgers ayaa aaminsan in wiilashiisa Daniel Sturridge iyo Adam Lallana ay qeyb ka noqon karaan kulanka ay kooxdiisa Sabtida la ciyaari doonto Arsenal.

Sturridge ayaa dhaawac misigta ah looga saaray xulka qaranka Ingiriiska, waxaana jirtay shaki laga qabay inuu seego kulanka darbiga ah ee Sabtida.

25-jirkaan ayaa dhaliyay 4-gool oo qura tan iyo markii uu dhaawac kasoo toosay bishii January wuxuuna saftay 13-kulan, tababar fiican ayuuna qaatay maanta.

“Daniel wuu kusoo laabtay tababarka, waan arki doonaa berito wixii kasoo baxa” ayuu Rodgers u sheegay warbaahinta.

“Waa kulan aan dooneyno inaan waxqabad muujino, manooga duwanaan doono kulankii Man United, balse bandhig aan fiicneyn iyo guuldaro ayey aheyd natiijadii ugu dambeysay”

“Henderson waa soo laabtay, Lucas Leiva isna waa diyaar, koox fiican ayaan heystaa” Ayuu yiri Branden.

Sidoo kale Branden Rodgers ayaa rajo fiican ka muujiyay in Adam Lallana uu ciyaari karo kulanka Arsenal kaas oo dhaawac isna looga reebay xulka qaranka.

Ugu dambeyntii Liverpool ayaa fadhisa booska 5-aad ee horyaalka, waxeyna dagaal ugu jirtaa boosaska Champions League walow ay shan dhibcood u jirto United oo fadhisa booska afaraad.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Rodgers Oo Naxdin Ku Abuuray Arsenal: “Sturridge Iyo Lallana Taam Ayey U Yahiin Kulanka Emirates”

  1. khalid Reply

    2-April-2015 at 9:32 pm

    waaw waa war wanaag san

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>