Home » Horyaalada » italian Serie A » Roma Oo Dib Ugu Soo Laabatay Wadada Guusha Kadib Markii Ay Si Dhib Badan Dhibcaha Kaga Qaadatay Naadiga Cagliari.

Roma Oo Dib Ugu Soo Laabatay Wadada Guusha Kadib Markii Ay Si Dhib Badan Dhibcaha Kaga Qaadatay Naadiga Cagliari.


Roma

Kooxda Roma ayaa ugu dambeyntii soo afjartay dhibaatada ka heesatay inay guul hesho kadib markii ay si dhib badan naadiga Cagliari guusha kaga qaateen.

Roma 4-kulan ee ugu dambeesay Serie A-da bar bar dhac ayay gashay waxayna kooxdan gashay xaalad jah wareersan balse ugu dambeyntii naadiga Cagliari ayay 2-1 kaga badiyeen,

Waxayna Roma guushan kaga mahad celinee xidiga 18-jirka ah Daniele Verde oo kulankan caalamka isku baray sidoo kalena muujiyay in hal kulankan xidig lagu noqon karo.

Roma ayaa kulankan goolka ku hormartay waxaana daqiiqadii 37-aad goolka u dhaliyay Adam Ljajic waxaana goolkan siweyn caawinaad uga geestay xidiga dhalinta yar Daniele Verde.

Qaybta hore Roma ayaa hogaanka hal gool ku heesay markii la isku soo laabtay naadiga Cagliari ayaa cadaadis weyn la timid waxayna Roma ku dhibtootay inay goolkeeda difaacato.

Balse Roma culeeskii lasoo saaray waxaa ka dajiyay xidiga dhalinta yar Verde oo kubad uu dhanka bixid kasoo karoosay gool u badalay Leandro Paredes daqiiqadii 85-aad.

Roma ayaa xaqiiqsatay inay dhibcaha qaadatay waxaana xidigaha kooxdan ka dagan cadaadis weyn balse dhamaadkii kulankan Cagliari ayaa gool la timid waxaana u dhaliyay M’Poku daqiiqadii 95-aad.

Waxaa xusid mudan in kulankan uu qaas u yahay wiilka lagu faani karo Verde oo kusoo baxay hogaamiyaha Roma waxaana cayaartan Roma ka maqnaayeen xidigo aad u fara badan sida Alessandro Florenzi, Kostas Manolas, Daniele De Rossi, Kevin Strootman, Juan Manuel Iturbe, Gervinho iyo Seydou Doumbia.

Ugu dambeyntii Roma ayaa guusha ku qaadatay 2-1 waxayna kooxdan kusoo laabatay wadadii guusha sidoo kalena haatan 7-dhibcood ka hooseysaa naadiga Juventus oo Serie A-da hogaamineyso.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>