Home » Maxaa Cusub » Romario: “Neymar Wuu Ka Wanaagsanaan Karaa Lionel Messi”

Romario: “Neymar Wuu Ka Wanaagsanaan Karaa Lionel Messi”


Neymar

Halyeeygii hore Brazil Romario ayaa aaminsan in kabtanka xulka Brazil Neymar JR uu ka wanaagsanaan karo xidiga reer Argentina Lionel Messi kaas oo afar jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or.

Neymar oo ka mid ahaa xidigahii koobka Aduunka 2014, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray kulamadii uu xulkiisa ciyaaray inkasstoo nasiib daro uu dhaawac ku seegay kulankii ay xasuuqa kala kulmeen Germany, Semi Finalkii Koobka, madama dhaawac dhanka dhabarka ah uu soo gaaray kulankii Colombia ee wareega 8-da.

Lionel Messi wuxuu xulkiisa u hogaamiyay Finalka Koobka Aduunka inkastoo ay qasaaro kala kulmeen Germany, waxaana lagu abaalmariyay abaalmarinta Golden Ball madama uu dadaal muujiyay.

Si Kastaba Romario oo ka mid ahaa wiilashii Brazil ee ku guuleystay koobkii Aduunka 1994, ayaa aaminsan in shaki uusan ku jirin Neymar uu ka saramari karo saaxiibkiisa Barcelona Lionel Messi.

“Wuxuu leeyahay wax walba oo uu kaga weynaan karo Lionel Messi” ayuuu yiri Romario oo u waramayay Revista Trip.

“Messi goor hore ayuu ka qeyb noqday taariikhda, balse Neymar wuu sameyn karaa mid ka weyn”

“Messi waxaa laga yaabaa inuusan fursad u helin inuu u tartamo koob kale si uu ugu guuleysto, balse Neymar wuxuu heli karaa Sadex ama Afar tartan”

Dhanka kale Romario ayaa qiray in 22-jirkaan 42-da gool u dhaliyay xulkiisa Brazil uu ka gudbi karo rikoorka Romario ee dhanka gool dhalinta kaas oo ah 55-gool, balse wuxuu ku kaftamay inuu isagu yahay mar walba xidiga ugu wanaagsan Brazil.

“Wuu gaari karaa 1,000, balse qofna lama mid noqon karo Romario” Ayuu ku kaftamay Romario.

Ugu dmabeyntii Neymar ayaa ah hogaamiyaha Brazil wuxuuna caawa ka hortagi doonaa xulka Austria kulan saaxiibtinimo oo ay marti ku yahiin Viena.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>