Home » Maxaa Cusub » Romelu Lukaku Oo Dhaawac Awgiis Xulka Belgium Isaga Haray Iyo Xidigan Oo Everton Dib Ugu Soo Laabtay

Romelu Lukaku Oo Dhaawac Awgiis Xulka Belgium Isaga Haray Iyo Xidigan Oo Everton Dib Ugu Soo Laabtay


lukaku

Weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku ayaa xulkiisa dhaawac awgiis isaga haray mana cayaari doono kulamada ay xulkan wajihi doonaan xulala Cyprus iyo Israel.

Xidigan ayaa ku dhaawacmay kulankii kooxdiisa Everton 2- guusha kaga qaadatay naadiga QPR waxaana haatan dhaawaciisa xaqiijiyay Marco Wilmots oo ah tababaraha xulka Holland.

21-jirkan dhaawac dhanka muruqa ah ayaa asiibay waxaana laga cabsi qabaa inuu garoomada ka maqnaado ugu yaraan mudo labo todobaad ah balse weli kooxdiisa Everton ma xaqiijinin halista uu dhaawacan leeyahay.

Romelu Lukaku xaalad wanaagsan ayuu haatan ku jiraa madaama 18-gool xili cayaareedkan dhaliyay asigoo kooxdiisa u Everton u saftay 42-kulan dhamaan tartamada kala duwan.

Dhaawaca soo gaaray Lukaku waxay dan ugu jirtaa Christian Benteke oo weerark kaga cayaaray kaasi weerarka kaga cayaaro kooxda Aston Villa oo haatan xulka Belgium dib loogu yeeray.

Xulka Belgium haatan kaalinta 4-aad ayay kaga jiraan qaybta Isreeb reebka Euro 2016 kaga jiraan waxayna ku qasban yihiin inay xulalka Cyprus iyo Israel ka badiyaan si ay safka hore usoo gaaraan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>