Home » Maxaa Cusub » Ronald de Boer: “Frank de Boer Wuxuu Xiiseynaya Inuu Tababare U Noqdo Liverpool”

Ronald de Boer: “Frank de Boer Wuxuu Xiiseynaya Inuu Tababare U Noqdo Liverpool”


Champions League - Dinamo Zagreb - Ajax Amsterdam 0:2

Ronaldo de Boer ayaa aaminsan in walaalkiis Frank uu jeclaan lahaa inuu mar tababare u noqdo kooxda Liverpool ee ka dhisan gobolka Merseyside.

Halyeeygii hore Xulka Holland ayaa qiray sida uu walaalkiis Frank kaas oo haatan ah tababraha kooxda Ajax Amsterdam uu u doonayo inuu mar uun qabto xilka tababaranimo ee kooxda Liverpool inkastoo ay jirto inuu hada ka hor diiday dalab uga yimid maamulka Reds.

Frank de Boer ayaa iska diiday dalab ay usoo direen maamulka Liverpool markaas oo ay la damacsanayeen inuu badal u noqdo Kenny Dalglish inkastoo uu ku gacan seyray waxaana xiligaas faraha loo galiyay kooxda Branden Rodgers.

Frank de Boer wuxuu haatan hayaa xilka Ajax isagoo noqday macalinkii ugu horeeyay ee afar jeer oo xiriir ah ku guuleysta horyaalka Holland kadib markii uu Ajax u hogaamiyay rikoorkaas, wuxuuna kooxda kasoo saaray ciyaartoy badan oo waxtar leh.

Hadalka Ronald de Boer uu ka sheegay walaalkiis Frank ayaa imaanaya xili Branden Rodgers uu saaran yahay cadaadis weyn isla markaana laga yaabo in shaqada laga raacdeeyo madama kooxda ay sameysay hoso u dhac baahsan.

Liverpool haatan waxey fadhisaa booska 11-aad ee horyaalka, iyadoo la ogyahay in xagaagii hore ay ku sigatay ku guuleysiga horyaalka.

Ugu dambeyntii Frank de Boer wuxuu ka mid yahay tiro macalimiin ah oo laga yaabo iney shaqadaas qabtaan hadii la ceyriyo Rodgers waxaana liiska kula jira: Klopp, AVB & Diego Simeone.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>