Grathe Bale iyo Cristiano Ronaldo neceybkooda maaro ayaa loo waayay marwalbana garoonka ay ku muujiyaan.
Waxaa ugu dambeeyay kulankii Real Madrid naadiga Roma kula cayaartay dalka Australia wuxuuna Ronaldo muujiyay inuusan jecleyn la cayaarista Bale madaama kubad uu mudnaa in loo baaso la siin waayay.
Markaas kadib waxaa shaashada laga arkay Ronaldo oo ceytamaayo sidoo kalena ciil dartiis afka kala furtay!
Hadaba waxaa daaha laga qaaday xidigaha xiriirka wanaagsan ee uusan ka dhaxeynin balse isku naadi ku sugan ama ku sugnaan jireen waxaana ka mid ah:
1) Cristiano Ronaldo & Gareth Bale (Real Madrid)
2) Zlatan Ibrahimovic & Edinson Cavani (PSG)
3) Thierry Henry & Jose Antonio Reyes (Arsenal)
4) Jens Lehmann & Manuel Almunia (Arsenal)
5) Andrew Cole & Teddy Sheringham (Manchester United & England)
6) Lee Bowyer & Kieron Dyer (Newcastle)
7) Mauro Icardi & Maxi Lopez (Sampdoria)
8) William Gallas & Kolo Toure (Arsenal)
9) John Fashanu & Lawrie Sanchez (Wimbledon)
10) Lothar Matthaus and Stefan Effenberg (Bayern Munich & Germany)