Halyee Ronaldo Nazário de Lima ayaa soo bandhigay damaciisa aadka u sareeyo wuxuuna ka dhawaajiyay inuu mustaqbalka dhow iibsan doono Lionel Messi si uu kooxdiisa Lauderdale Strikers ugu keeno xidigan.
Ronaldo ayaa qayb ka leh milkiyada kooxdan heerka labaad ee horyaalka Mareenkanka cayaarto wuxuuna doonayaa inuu kooxdiisa dhismo weyn ku sameeyo riyadiisana waxaa qayb ka ah saxiixa Messi.
“Kooxdeyda Lauderdale Strikers naadi weyn ayay noqon doontaa waxaana na xadidi karo cirka oo kaliya hadafkeena ayaa ah inaan la saxiixano Lionel Messi sidoo kalena maxaa diidayo inaan Cristiano Ronaldo keeno kooxda wax walbo ayaa suura gal ah”
“Lacagteyda ayaan ku bixin doonaa sidii aan Messi usoo iibin lahaa waayo waayo waa xidig cajiib ah sidoo kalena aan jecleestay inuu kooxdeyda Lauderdale Strikers u cayaaro”
“MSL haatan waa horyaal sare u kac sameenayo sidoo kalena ay sanad walbo usoo shaqo tagaan qaar ka mid ah xidigaha aduunka ugu wanaagsan”
“Marka la yaab ma noqon doonto hadii aan Messi la saxiixano mustaqbalka dhow madaama xirfadlayaasha kubada cagta badankooda Mareekanka mustaqbalka usoo shaqo aadi doonaan”