Kabtanka kooxda Man United ayaa ku kalsoon inay axada garaaci karaan kooxda ay deriska yihiin Man City wuxuuna Wayne Rooney ka dhawaajiyay in markan awood ahaan United aad u sareyo
“Waxaan dooneynaa arin farxad galiyo inaan taageerayasheena helaan kadibManchester Derby hadafkeena wuxuu yahay in maalinta Isniinta magaalada Machester kaliya ay ka farxaan taageerayaasheena”
“Waa kulan muhiim u ah labada dhinac balse markaan waxaan qabaa kalsooni buuxdo inaan Man City ka awood badanahay sidoo kalena aan sedexda dhibcood qaadan karno”
29-jirkan 11-gool ayuu kooxda Man City ka dhaliyay haatana xaalad wanaagsan ayuu ku sugan yahay waxaana afka lagu hayaa sidii caadada ahayd inuu markale Man City oo xaalka ku xun yahay uu goolal ka dhain karo marka axada la iska hor imaado.