Tababaraha haatan ee xulka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa u sheegay FA-ga inuu doonayo laba sano oo dheeraad ah oo uu kusii maamulo xulka Ingiriiska.
67-jirkaan wuxuu qabtay xilka xulka Ingiriiska sanadii 2012, isagoo la galay heshiis dhan afar sanadood kaas oo ku eg dhamaadka koobka Euro 2016 ee lagu qaban doono France.
Inkastoo xulka Ingiriiska uu qaab xun soo bandhigay koobkii Aduunka 2014 lagu qabtay Brazil markaas oo ay kusoo hareen wareega groupyada iyagoo wata kaliya hal dhibic.
Kadib dhibaatadaas xulka Ingiriiska ayaa qaab qurux badan ku bilaabay isreeb-reebka koobka Euro 2016, sidaas darteedna wuxuu doonayaa inuu maamulo ilaa koobka Aduunka 2018 ee lagu qaban doono dalka Ruushka.
Ingiriiska waxey dhamaan guuleysteen 4-tii kulan oo ay ciyaareen isreeb-reebka, iyagoo dhaliyay 11-gool, sidoo kalana 1-gool qura laga dhaliyay.
Ugu dambeyntii Roy Hodgson ayaa loo maleynayaa inuu xulka ugu yeero wiilasha da’da yar ee Harry Kane, Danny ings, Charlie Austin iyo Saido Berahino.