Home » Maxaa Cusub » Roy Makaay Oo Aaminsan In Van Persie Uu Weli Man United Wax Gal U Noqon Karo

Roy Makaay Oo Aaminsan In Van Persie Uu Weli Man United Wax Gal U Noqon Karo


Halyeegii hore ee xulka Holland iyo kooxda Bayern Munich Roy Makaay ayaa difaacay xidiga xaalada adag haatan ku sugan Robin Van Persie.

Inkastoo RVP si weyn loo hadal haayo in xagaagan ay Man United iska iibin doonto hadana Makaay ayaa aaminsan in weeraryahankan weli wax gal Man United u noqon karo.

“Waxaan u maleynaa in Van Persie ay muhiim u tahay inuu xagaagan nasiino dheeraad ah qaato kadibna waa hubaa inuu Man United wax badan xili cayaareedka dambe ka caawin karo”

“Sanadkii hore koobkii aduunka wacdaro ayuu ka dhigay balse xili cayaareedkan hoos u dhac ayaa qabsaday waxaana ugu wacan dhaawacyada soo wajaheen”

“Kaliya hal kulan ayuu Man United 90-daqiiqo u cayaaray xili cayaareedkan kulankii Southampton wuxuuna sameeyay bandhig wanaagsan”

“Sidaa darteed hadii uu caafimaad dhameestiran helo waan hubaa inuu Man United wax badan ka caawin karo xili cayaareedka dambe”

Van Persie aya lala xariirinaa kooxda SS Lazio sidoo kalena lama hubo inuu xagaagan kooxdiisa Man United lasii joogi doono inkastoo Makaay ka dhawaajiyay in xidigan weli Man United anfici karo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>