Home » Horyaalada » Bundesliga » Rummenigge Oo Si Cad Ula Hadlay Kooxaha Doonaya Muller: “Thomas Muller Waligiis Kama Tagi Doono Bayern”

Rummenigge Oo Si Cad Ula Hadlay Kooxaha Doonaya Muller: “Thomas Muller Waligiis Kama Tagi Doono Bayern”


Muller

Gudoomiyaha kooxda kubada cagta Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa si cad ula hadlay kooxaha doonaya Thomas Muller oo ay ugu weyn tahay Manchester United sidoo kalana wuxuu u sheegay ineysan waligood ku riyoon helitaanka Muller.

Thomas Muller ayaa si ba’an dhawaan loola xiriirinayay Manchester United balse Karl-Heinz Rummenigge ayaa u sheegay The Bild inuu kalsooni ku qabo Muller inuusan waligiis ka tagi doono kooxda isla markaana uu waqti dheer joogi doono.

“Thomas Muller waa lama iibiyaan, waxaana ku kalsoonahay inuusan waligiis ka tagi doonin Bayern Munich”

Sidoo kale Karl-Heinz Rummenigge ayaa sii dilay rajada liidata ee laga sii lahaan karo in lala saxiixdo Muller isagoo sheegay iney diyaar u yahiin iney kooxda kusii hayaan marka uu ciyaaraha ka fariisto si uu kooxda hormarkeeda qeyb uga noqdo.

“Marka uu gaboobo Muller, waxaan rajeyneynaa inaan kusii heyno kooxdaan hadii uu isaga doonayo” ayuu yiri mar kale Karl-Heinz Rummenigge.

Ugu dambeyntii Man United iyo kooxaha kale ee doonaya Muller ayaa waaga ku baryay waana arin cadeyn ugu filan iney raadsadaan xidigo kale.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>